Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 12-kii Sebtembar 2026 ka furay sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Masraxa Shariif Saalax ee xarunta KM4.

Intii ay socotay munaasabadda, Madaxweynaha ayaa daah-furay mashaariic cusub oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad iyo kaabayaal waxbarasho, wuxuuna dhagax-dhigay mashaariic kale oo lagu xoojinayo tayada waxbarashada.

Warsidaha bishan wuxuu sidoo kale soo bandhigayaa shirka sannadlaha ah ee Jaamacadda, tababarka dib-u-eegista manaahijta iyo 4,287 arday oo isu diiwaangelisay imtixaanka oggolaanshaha.