Mogadishu (SNU): A ceremony marking the close of a COVID-19 training course for Somali doctors was held today at the Jazeera Hotel in Mogadishu. The ceremony was attended by the Deputy Minister of Health of the Federal Government of Somalia, the State Minister of Education, Culture and Higher Education, the Rector of Somali National University (SNU), the Dean of the SNU Faculty of Medicine, doctors and other distinguished guests.
The State Minister of Education, Culture and Higher Education, Hon. Abdirahman Mohamud Abdulle Jabiri (Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri), formally closed the course, which had been held for Somali doctors on the treatment and control of COVID-19.
The State Minister said that Somali doctors had played an important role in the response to COVID-19, and thanked Somali National University for its efforts in delivering this course for the benefit of Somali doctors, which had come at a time when it was much needed.
The Rector of Somali National University, Prof. Mohamed Ahmed Jimale (Prof. Maxamed Axmed Jimcaale), said that at a time when people were facing a situation that had forced them into lockdown because of COVID-19, the University had stepped up to launch and run this course in order to help Somali doctors deal with COVID-19.
“The trainers on this course were doctors working in Italy who were among the very first to confront the treatment and management of the coronavirus,” said the Rector of Somali National University.
The Deputy Minister of Health of the Federal Government of Somalia, Hon. Mohamed Said Abdullahi (Maxamed Saciid Cabdullaahi), thanked Somali National University and the Government of Italy for the smooth way in which they facilitated this course, from which Somali doctors had benefited.
“The Government of Italy opened De Martino Hospital, and it is a pleasure that its doctors are now taking part in training on the control and treatment of COVID-19,” said Minister Mohamed Said.
The course benefited doctors from the Ministry of Health, Somali National University, the National Committee for the Prevention of COVID-19, the Somali Medical Association and the COVID-19 Coordination Centre, as well as doctors and health workers in the federal member states. The course, which was delivered online, consisted of two phases: the first ran from 18 to 30 May 2020, and the second, which began on 3 June, was
brought to a close today.
Finally, the Rector of Somali National University, Prof. Mohamed Ahmed Jimale, urged the ministries to help support SNU in upgrading the equipment that facilitates training of this kind, so as to expand and increase the courses needed by Somali doctors and students.


Muqdisho (JUS): Munaasabad lagu soo xirayay tababar loo qabtay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee COVID-19 ayaa maanta lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho. Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka, XFS, Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada HTS, Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka JUS, dhaqaatiir, iyo marti sharaf kale.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, mudane, Cabdi Raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa soo xiray xalfadda xiritaanka koorsada loo qabatay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee lagu barayay daawaynta iyo xakamaynta COVID-19.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay In dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah ka qaateen ka hortaga COVID-19, isaga oo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uga mahad celiyay dadaalka ay ku bixsay koorsadaan looga fa`iideeyay dhaqaatiirta Soomaaliyeed, taas oo ku soo aaday xili loo baahnaa.
Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa sheegay in xilli dadka ay wajahayeen xaalad sababtay in guryaha la isku soo xiro COVID-19 dartiis, ay u istaageen bilaabida iyo qabashada koorsadaan, si ay dhaqaatiirta Soomaaliyeed uga caawiso la tacaalidda COVID-19.
“Tababarkan waxaa barayaal ka ahaa dhaqaatiir ka mida kuwii ugu horreeyay ee wajahay dawaynta iyo la tacaalida karoona fayrus, kuwaaasi oo ka hawl gala dalka Talyaaniga”. ayuu yiri Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka XFS, Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi, ayaa u mahad celiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Talyaaniga sida habsamida leh ee ay u fududeeyeen koorsadaan ay ka faaidaysteen dhaqaatiirta Soomaaliyeed.
“Dowladda Talyaaniga ayaa furtay isbitaal Di Martini, waxaana farxad ah in ay hadda cudurka covid 19 tababar lagula tacaalayo xakameyntiisa iyo daaweyntiisa ka qeyb qaataan dhaqaatiirtooda” ayuu yiri Wasiir Maxamed Saciid.
Kooraskaan waxaa ka faa’iideysanayay dhaqaatiir ka kala socday Wasaaradda Caafimaadka, Jaamacadda Ummadda, Guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo Xarunta xariirka COVID-19 iyo Dhaqaatiir iyo howlwadeeno caafimaad oo ku sugnaa dowladd gobolaydyada dalka. koorsadaan oo ku baxaysay mareegta interneetka, kana koobanayd laba weji oo wajigiisa hore uu socoday May 18-30, 2020, wajiga labaad oo soo bilowday 3 Juun ayaa
maanta loo soo xiray dhaqaatiirta.
Ugu dambeyn Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Maxamed Axmed jimcaale, ayaa ku booriyay wasiiradda in ay gacan ka gaystaan sidii Jaamacadda Ummadda looga taageeri lahaa tayaynta agabka sahlaya tababarada nuucaan oo kale ah, si kor loogu qaado loona kordhiyo koorsooyin ay u baahan yihiin dhaqaatiirta iyo ardayda Soomaaliyeed.

