Ku-xigeenka Madaxa Jaamacadda Dr. Fu’aad Mire Xasan iyo Dr. Raymond Ndikumana oo ka tirsan University of Rwanda ayaa kala saxiixday is-afgarad lagu xoojinayo cilmi-baarista wadajirka ah, is-weydaarsiga aqoonta iyo tayada waxbarashada sare ee u dhexeysa labada hay’adood.

Heshiiskani wuxuu ka mid yahay shan iskaashi caalami ah oo cusub oo JUS saxiixday intii u dhexeysay Juun iyo Ogosto 2026. Isla muddadaas Jaamacaddu waxay heshiisyo la saxiixday Mogadishu University iyo World Fund for Development and Planning, Kulliyadda Sayniska Caafimaadkuna waxay ballaarisay iskaashigeeda University College London.