Iyadoo la fulinayo go'aanka ka soo baxay Ra'iisul wasaaraha JFS ee ku aadanaa in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada dalka laga billaabo maanta oo Arbaco ah , ayaa raktarka JUS, Dr. Mohamed Axmed Jimcaale waxuu ku dhawaaqay in jaamacadu fasax tahay, laga bilaabo 18-03-2020 Ilaa mudo 15 maalin ah, si looga qayb qaato badqabka bulshada iyo ka hortaga faafitaanka caabuqa Caronovirus (Covid 19)
Dhamaan ardayda iyo Macalimiinta, waxaa la farayaa inay guryahooda ku nagaadaan mudadaasi.
FG: Shaqaalaha kale ee Jaamacadda ee xafiisyada ka howlgala waa ay sii wadi doonaan shaqadooda.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faray in la fasaxo dhammaan goobaha waxbarashada si looga baaqsado faafinta cudurka karoona feyrus oo dhibaato xoogan ku haya caalamka,wuxuuna bulshada ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha leyskugu yimaado.
In implementation of the decision issued by the Prime Minister of the Federal Republic of Somalia to close all educational institutions in the country from today, Wednesday, the Rector of Somali National University (SNU), Dr. Mohamed Ahmed Jimale (Dr. Mohamed Axmed Jimcaale), has announced that the University will close for a period of 15 days from 18 March 2020, in order to contribute to public safety and to preventing the spread of the coronavirus (COVID-19)
All students and lecturers are instructed to stay at home during that period.
NB: The University's other staff who work in its offices will continue their work.
The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Hon. Hassan Ali Khaire (Xasan Cali Khayre), who held a press conference in Mogadishu last night, ordered the closure of all educational institutions in order to prevent the spread of the coronavirus, which is causing serious harm around the world, and called on the public to avoid places where people gather.