18 Luuliyo, waxaan si guul leh u qabannay xafladda qalin-jabinta barnaamijka Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Barnaamijka waxaa maalgeliyay xafiiska UNDP Soomaaliya. Guud ahaan 63 ka qayb-gale ayaa qalin-jabiyay, kuwaas oo matalayay gobolka Banaadir iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xafladda waxaa ka qayb galay hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Qalin-jabiyeyaashu waxay muujiyeen farxadda iyo sharafta ay ka dareemeen helitaanka shahaadooyinkooda.






