Waxbarashada Sare ee Bulshooyinka Colaadda ka Soo Kabanaya
KA JAWAABIDDA CAQABADAHA: CILMI-BAARISTA, HAL-ABUURKA & HORUMARINTA
Shirka Sannadlaha ah
24, 25 &26 Luuliyo 2018
Muqdisho, Soomaaliya
CODSIGA SOO-KOOBIDYADA (ABSTRACTS)
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo in shirkeeda sannadlaha ah ee Waxbarashada Sare ee Bulshooyinka Colaadda ka Soo Kabanaya uu mar kale dhici doono 24 -26 Luuliyo 2018, Muqdisho, Soomaaliya. Mawduuca sannadkan oo cinwaankiisu yahay “Ka Jawaabidda Caqabadaha: Cilmi-baarista, Hal-abuurka iyo Horumarinta” wuxuu jawaab u yahay mudnaanta mawduucyada ee ka soo baxday shirkii furitaanka ee 2016, kaas oo ka hadlay doorka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadda ka soo kabanaya.
Cilmi-baarista iyo hal-abuurku waa qaybo mawduuc oo isku mar caqabad iyo fursad u ah qaybta waxbarashada sare ee Soomaaliya. Kor u qaadista awoodda cilmi-baarista tacliinta ayaa ah hadafka ugu weyn ee shirkan, si wax looga qabto caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya loona dhaliyo horumar dhaqaale iyo bulsho oo waara. Kor u qaadista awoodda cilmi-baaristu waxay diiradda saaraysaa xiriirrada nidaameed ee ballaaran ee heer qaran, heer gobol iyo heer caalami, iyo sidoo kale maalgashiga maaliyadeed iyo siyaasadeed ee xoojinta deegaanka cilmi-baarista ee heerka deegaanka. Sidaas darteed shirkani waa hindise loo qaabeeyay in uu door muhiim ah ka qaato fududeynta wada-hadalka iyo iskaashiga bulshada tacliinta ee heer deegaan, heer gobol iyo heer caalami. Aragtidu waa in qaybta waxbarashada sare ee Soomaaliya ay buuxiso baahida SDGs ee qaybaha mudnaanta leh sida caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha, amniga iyo caddaaladda.
Aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha, khubarada iyo xirfadlayaasha waxbarashada sare ee xiisaynaya waxaa si sharaf leh loogu martiqaadayaa in ay soo gudbiyaan soo-koobidyo ku saabsan mid kasta oo ka mid ah qaybaha mudnaanta leh ee horumarka sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, amniga iyo caddaaladda, iyagoo ku jira mawduuca shirka ee kor u qaadista awoodda cilmi-baarista iyo hal-abuurka. Waxaa la codsanayaa in soo-gudbinnadu ay tixgeliyaan waddooyinka kor u qaadista awoodda, oo ay ka mid yihiin, balse aan ku koobnayn:
Barnaamijyo cilmi-baaris oo ku saabsan waxbarasho, caafimaad iyo horumar dhaqaale oo caddaalad ah
Kor u qaadista awoodda dhallinyarada si loo taageero mustaqbalka jiil cusub oo cilmi-baarayaal dhallinyaro ah.
Xiriirka ka dhexeeya saboolnimada dhallinyarada, caddaaladda iyo amniga
Ogeysiis:
Soo-koobidyada waxaa lagu soo dirayaa iimaylka:
Abdi Gele (PhD), Guddoomiye
Prof. Kuzvinetsa P. Dzvimbo, Guddoomiye-wadaag
Kuzvinetsad@ut.ac.za
Abdulwahab M. Salad , Isku-duwe
Abdisalad@snu.edu.so
Soo-koobiddu waa in aysan dhaafin 400 ilaa 500 eray. Fadlan ku dar:
Magaca
Hay'adda/Ururka
Jagada
Shahaadada tacliineed
Mawduuca guud ee warqaddaada
Taariikhaha Muhiimka ah:
Waqtiga kama dambaysta ah ee soo gudbinta soo-koobidda: 1 Maajo 2018
Ogeysiiska aqbalaadda: 20 Maajo 2018
Soo gudbinta warqadaha dhammeystiran: 30 Juun 2018
Taariikhda shirka: 24-26 Luuliyo 2018




