Antalya, Türkiye – Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Mudane Mohamed Mohamud Mohamed, ayaa ka qaybgalay kulan ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay SDG Pavilion, intii uu socday Shirka Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee COP31, magaalada Antalya ee dalka Türkiye.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada, nabadda iyo amniga, iyo doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ka qaadan karaan wax ka qabashada caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, xoojinta nabadda iyo horumarinta bulshooyin adkaysi leh.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay Qorshaha Qaranka ee Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga (YPS), iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta ka-qaybgalka dhallinyarada, gaar ahaan dhallinyarada naafada ah, ee geeddi-socodka nabad-dhisidda, go'aan-qaadashada iyo dadaallada la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Ka-qaybgalka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Jaamacaddu ku xoojinayso iskaashiga hay'adaha dowladda, kor u qaadista doorka dhallinyarada, iyo ka-qaybqaadashada doodaha heer caalami ee la xiriira isbeddelka cimilada, nabadda iyo horumarka

