29 Agoosto 2021 JUS: - Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Akadeemiyad Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ayaa kala saxiixday Iskaashi iyo wada shaqeyn iyo horumarinta Af Soomaaliga. Munaasabad balaaran oo ay heshiis is afgarad ku kala saxiixanayeen Jaamacadda Ummadda iyo Akadeemiyad Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa ka dhacday xarunta JUS ee Shabeele. Munaasabada ayaa waxa qayb galay masuuliyiin ka kala socday labadda hay`adood, oo ay ugu horaayaan Raktarka JUS, Dr. Xasan Cumar Mahadalla, Raktar Xigeenka Mamulka iyo Maaliyada JUS Dr. Cabdullahi Shiikh Rashiid Dr. Maki, Gudoomiyaha AGA, Dr. Maxamed Daahir Afrax, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, Xildhibaan Khaalid Macoow, Agaasimayaal iyo masuuliyiin ka mitirsan JUS iyo AGA.
Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Xasan Cumar Mahad Allah, oo ka hadlay musaasabada saxiixa heshiiska is afgarad ayaa ka sheekeeyay muhiimada afku u leeyahay Qaranimada iyo jiritaanka Ummadda, horumarinta afka ay ka dhigan tahay horumarinta Ummadda, sidoo kale waxa uu ku dheeraaday kaalinta JUS ee ku aadan hormarinta iyo afka dhaqanka iyo cilmiga
“Afku waa deeq iyo awood Alle ina siiyay oo ina midaysa, isku fahano, isuguna soo dhawaano, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Af-Soomaaliga waxa ay ku bixin doontaa Shahaado dhawaan waxaa la ansaxiyay holwna galaysa mar dhaw Kulliyadda Luqadaha oo Taqasusuyada lagu dhigan doono uu ka mid ahaan doono Af Soomaaliga, dhaqanka iyo hidaha Umadda, iyo luqadaha kale ee caalamiga ah” Ayuu yiri Dr. Xasan CUmar Mahad Alla Rakrataka JUS.
Guddoomiyaha Akadeemiyad Goboleedka Af Soomaaliga Dr. Maxamed Daahir oo dhankiisa ka hadlay munaasabaddii ayaa sheegay heshiiskaani yahay fursad wayn oo u soo hoyatay bahda afka, dhaqanka iyo aqoonta. Dr Maxamed ayaa intaasi ku daray in labada hay`adood ee heshiiska kala saxiixday ay yehiin kuwa hormuud u ah horumarinta iyo afka iyo dhaqanka , wuxuuna wax badan ku soo kordhin doonaa faafinta aqoonta,
Masuuliyiinta kale ee ka hadashay munaasabadda saxiixa heshiiska is af garad waxaa ka mid, Raktar ku-xigeenka Jaamacadda Ummadda Dr. C/llaahi Shiikh Rashiid (Dr.Maki) waxa uu ka sheekeeyay taariikhda JUS iyo marxaladaha ay soo martay, xiligaan halka taagantahay iyo halka ay higsanayso.
Sidoo kale waxaa munsaasabada goob jog ka ahaa xilibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka faderaalka Soomaaliya, oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Khaalid Macood oo ka mida ah barayaasha Kulliyadda Cilmiga Bulshada, gaar ahan qaybta Saxaafadda, ahna khabiir ku xeel dheer Af-Soomaaliga, iyo Xildhibaan Marya Cariif Qaasim oo ka mida Asaasayaasha Akaadeemiyad goboleedka Af Soomaaliga. Xildhibaan Maryan ayaa sheegtay in ay waqti badan geliyeen sidii afka Soomaaliga uusan u dabar go`I lahayn, hada arrintaasina ay guul ka hormar intaan ka badana ay u sugayaan.







29 August 2021 SNU: - The Somali National University (SNU) and the Regional Somali Language Academy (AGA) have signed an agreement on cooperation, collaboration and the development of the Somali language. A large ceremony at which the University and the Academy signed a memorandum of understanding took place at the SNU Shabelle Campus. The ceremony was attended by officials from both institutions, led by the Rector of SNU, Dr. Hassan Omar Mahadalla (Dr. Xasan Cumar Mahadalla); the Deputy Rector for Administration and Finance of SNU, Dr. Abdullahi Sheikh Rashid "Maki" (Dr. Cabdullahi Shiikh Rashiid); the Chairman of AGA, Dr. Mohamed Dahir Afrah (Dr. Maxamed Daahir Afrax); MP Maryan Arif Qasim (Maryan Cariif Qaasim); MP Khalid Macow (Khaalid Macoow); and directors and officials of SNU and AGA.
The Rector of the Somali National University, Dr. Hassan Omar Mahadalla, speaking at the signing of the memorandum of understanding, spoke about the importance of language for nationhood and for the existence of the nation, noting that developing the language means developing the nation. He also elaborated on the role of SNU in advancing the language, culture and scholarship.
“Language is a gift and a power that God has given us; it unites us, helps us understand one another and brings us closer together. The Somali National University will offer a degree in the Somali language. The Faculty of Languages, which was recently approved and will soon begin operating, will offer specialisations including the Somali language, the culture and heritage of the nation, and other international languages,” said Dr. Hassan Omar Mahadalla, Rector of SNU.
The Chairman of the Regional Somali Language Academy, Dr. Mohamed Dahir, speaking in turn at the ceremony, said that the agreement was a great opportunity for the community of language, culture and knowledge. Dr. Mohamed added that the two institutions that signed the agreement are leaders in developing the language and culture, and that the agreement will contribute greatly to the dissemination of knowledge.
Other officials who spoke at the signing ceremony included the Deputy Rector of the Somali National University, Dr. Abdullahi Sheikh Rashid "Maki", who spoke about the history of SNU and the stages it has gone through, where it currently stands and where it is heading.
Also present at the ceremony were members of the Federal Parliament of Somalia, foremost among them MP Khalid Macow, a lecturer at the Faculty of Social Sciences, particularly in the Department of Journalism, and a leading expert on the Somali language; and MP Maryan Arif Qasim, one of the founders of the Regional Somali Language Academy. MP Maryan said that they had devoted a great deal of time to ensuring that the Somali language did not die out, that this effort had now made successful progress, and that they were looking forward to further achievements.






