Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa shalay qabatay doorashada Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda. Doorashada oo ka dhacday Jaamacadda ee Gahayr, km4 iyo Shabeelle ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay codaynta 3,396 arday.
Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Xasan Cumar Mahadallah, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane, Maxamed Barre Maxamuud, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Marwo, Nuura Mustaf Guudow, Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarasahda, iyo marti-sharaf kale, ayaa goob-joog ka ahaa doorashada Naadiga ardayda.
7-musharax ayaa ku tartamay xilka guddoomiyaha, halka guddoomiye ku xigeen ay u tartameen labo murashax. Doorasho dheer oo loollan dheer ka dib, Faarax Nuur Salaad ayaa ku soo baxay doorashada guud ee gudoomiyaha, halka Rowda Maxamed Maxamuud ay ku guuleysatay doorashada guddoomiye ku-xigeenka waxaana la tirinayay codadka doorashada ilaa saqdii dhexe ee xalay doorashada.
Natiijada ayaa sidaan u kala dhacday
Xilka Guddoomiyaha Naadaadiga Ardeyda waxaa isku soo sharaxda 7 musharax kuwaas oo kala ah:-
- Faarax Nuur Salaad oo helay 1199 oo cod.
- Miikaa'iil Garaad Faarax oo helay 853 oo cod.
- Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buulle oo helay 805 oo cod.
- Cabdiqaadir Muuse Caraaye oo helay 422 oo cod.
- Cabdifitaax Cabdirisaaq Maxamed oo helay 292 oo cod.
- Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdi (Seeko) oo helay 286 oo cod
- Shaafici Cabdi Dhugad oo helay 139 oo cod.
Xilka Guddoomiye ku xigeenka Naadiga Ardeyda waxaa isku soo sharaxday laba musharax oo kala ah:
- Rowda Maxamed Maxamuud oo heshay 1918 oo cod.
- Saynab Axmed Cabdikariin oo heshay 1837 oo cod
Tirada guud ee codeysay 3396 Ardey waxaa halaabay Codod gaaraya 241.
Guusha Faarax ayaa waxaa u dabaal degay ardayda Jaamacadda ee goobta ku sugnaa, iyagoo ku ammaanay xirfadiisa hoggaamineed iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta ardayda jaamacadda. Waxa uu ballan qaaday in uu si dhow ula shaqeyn doonto maamulka jaamacadda si ay ardaydu u helaan waxbarasho iyo taageero wanaagsan.
Dhanka kale, Rowda oo ku guuleysatay doorashada guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegtay in ay la shaqeyn doonto gudoomiyaha, ardayda JUS iyo gudoonka, sidoo kale waxa ay u mahad celisay hogaankii hore ee ardayda Jaamcadda.
Agaasimaha Arrimaha Bulshada Jaamcadda Ismaciil Cabdullahi Ibraahim ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay qabsoomida doorashada aadka u qiimaha badan gaar ahaan gudiga qabanqaabada doorasahda ee ardaydan JUS. Wuxuu kale uu u mahadceliyay dhamaan mas`uuliyiintii dhiiri galinta iyo kor joogtaynta ugu yimid oo ay ugu horaayaan maamulka sare ee jaamacadda, Wasiirada XFS iyo marti-sharafta kale.
Doorashadan ayaa ahayd mid xamaasad iyo xiiso gaar ah leh, waxaana ay ka muuqatey xamaasadda iyo dadaalka ay ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed u hayaan waxbarashadooda iyo bulshadooda.
The Somali National University Students’ Club yesterday held the election for the Chairman of the University Students’ Club. The election, which took place at the University’s Gahayr, KM4 and Shabelle campuses in Mogadishu, saw 3,396 students cast their votes.
The Rector of Somali National University, Dr. Hassan Omar Mahadallah (Dr. Xasan Cumar Mahadallah); the Minister of Internal Affairs, Hon. Ahmed Mo’alim Fiqi (Axmed Macalin Fiqi); the Minister of Youth and Sports, Hon. Mohamed Barre Mohamud (Maxamed Barre Maxamuud); the Minister of State for Education, Culture and Higher Education, Ms Nura Mustaf Gudow (Nuura Mustaf Guudow); the Director of Higher Education at the Ministry of Education; and other distinguished guests witnessed the Students’ Club election.
Seven candidates contested the post of Chairman, while two candidates stood for Deputy Chairman. After a long and closely fought contest, Farah Nur Salad (Faarax Nuur Salaad) won the general election for Chairman, while Rowda Mohamed Mohamud (Rowda Maxamed Maxamuud) won the election for Deputy Chairman. The votes were counted until midnight last night.
The results were as follows:
Seven candidates stood for the post of Chairman of the Students’ Club, namely:
- Farah Nur Salad, who received 1,199 votes.
- Mikail Garad Farah (Miikaa’iil Garaad Faarax), who received 853 votes.
- Abdirahman Abdullahi Bulle (Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buulle), who received 805 votes.
- Abdikadir Muse Araye (Cabdiqaadir Muuse Caraaye), who received 422 votes.
- Abdifatah Abdirisak Mohamed (Cabdifitaax Cabdirisaaq Maxamed), who received 292 votes.
- Abdirahman Mohamud Abdi “Seeko” (Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdi “Seeko”), who received 286 votes.
- Shafi’i Abdi Dhugad (Shaafici Cabdi Dhugad), who received 139 votes.
Two candidates stood for the post of Deputy Chairman of the Students’ Club, namely:
- Rowda Mohamed Mohamud, who received 1,918 votes.
- Zeinab Ahmed Abdikarim (Saynab Axmed Cabdikariin), who received 1,837 votes.
Of the total of 3,396 students who voted, 241 votes were spoilt.
Farah’s victory was celebrated by the University students present, who praised his leadership skills and his commitment to the advancement of the University’s students. He pledged to work closely with the University administration so that students receive a good education and support.
Meanwhile, Rowda, who won the election for Deputy Chairman, said that she would work with the Chairman, SNU students and the leadership, and she also thanked the previous University student leadership.
The University’s Director of Social Affairs, Ismail Abdullahi Ibrahim (Ismaciil Cabdullahi Ibraahim), thanked everyone who took part in organising this highly valuable election, especially the SNU students’ election organising committee. He also thanked all the officials who came to encourage and oversee it, foremost among them the University’s senior management, the ministers of the Federal Government of Somalia and other distinguished guests.
The election was marked by particular enthusiasm and interest, and it reflected the passion and dedication that Somali National University students have for their education and their community.