
Guudmar:
Dibloomadan Daraasaadka Sare ee hal sano ah waxay ardayda siisaa tababar heer sare ah oo ku saabsan cilmiga faafitaanka cudurrada (epidemiology) iyo tirakoobka caafimaadka (biostatistics) iyo sida loogu adeegsado falanqaynta arrimaha caafimaad ee waaweyn ee Soomaaliya. Barnaamijku wuxuu u furan yahay dhammaan ardayda leh aqoon hore oo la xiriirta caafimaadka ama maaddooyinka tirada (quantitative). Qalin-jabiyeyaasha waxay heli doonaan fursad ay ku horumariyaan ama ku xoojiyaan awooddooda ka qayb-qaadashada baaritaannada faafitaanka cudurrada (outbreak investigations) iyo sidoo kale maareynta iyo falanqaynta xogta waaweyn ee la-socodka caafimaadka bulshada iyagoo adeegsanaya barnaamijyada tirakoobka ee casriga ah.
Ujeeddooyinka koorsada
Marka ay dhammeystiraan Dibloomada Daraasaadka Sare, qalin-jabiyeyaashu waxay yeelan doonaan xirfadaha looga baahan yahay shaqo ahaan khabiir faafitaanka cudurrada (Epidemiologist) iyo khabiir tirakoobka caafimaadka (Biostatistician). Koorsadani waxay qalin-jabiyeyaasha u suurtagelinaysaa:
- In ay qeexaan ereyada aasaasiga ah ee cilmiga faafitaanka cudurrada iyo tirakoobka caafimaadka
- In ay sameeyaan cilmi-baaris caafimaadka bulshada ah oo tiro (quantitative) iyo tayo (qualitative) leh
- In ay sharxaan daraasaadka faafitaanka cudurrada
- In ay adeegsadaan falanqaynta xogta tirakoobka ee heerka sare ah
- In ay aqoonsadaan cudurrada ku baahsan deegaanka iyo liiska cudurrada waajibka ah in la soo sheego
- In ay bartaan nidaamka isku-dhafan ee la-socodka iyo ka-jawaabidda cudurrada
- In ay ka doodaan cudurrada daba-dheeraada iyo xaaladaha caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya
- In ay xogta ku falanqeeyaan barnaamijyada tirakoobka STATA iyo R
Qorshaha koorsada
| Lr | Simistar | Maaddooyinka | Saacadaha dhibcaha (Credit hours) |
| 1 | Koowaad | Mabaadi'da cilmiga faafitaanka cudurrada | 3 |
| Tirakoobka Caafimaadka I | 3 | ||
| Hababka cilmi-baarista caafimaadka bulshada ee la dabaqo | 3 | ||
| 2 | Labaad | Cilmiga faafitaanka cudurrada ee heerka sare | 3 |
| Tirakoobka Caafimaadka II | 3 | ||
| Faafitaanka cudurrada la isqaadsiiyo | 3 | ||
| 3 | Saddexaad | La-socodka caafimaadka bulshada | 3 |
| Faafitaanka cudurrada daba-dheeraada iyo caafimaadka maskaxda | 3 | ||
| Hordhac u ah xisaabinta tirakoobka (STATA iyo R) | 3 |
Shuruudaha Diiwaangelinta:
- Haysta shahaado koowaad (degree) oo ah maaddooyin la xiriira caafimaadka, heer upper second class ama ka sarreeya, oo laga helay jaamacad uu aqoonsan yahay Golaha Sare (Senate) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
- Koobiga shahaadadaada (waa in ay ansixisay Wasaaradda Waxbarashada Sare / Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya)
- Koobiga baasaboorkaaga ama shahaadada dhalashada iyo sugnaanta
- Qoraal ujeeddo (Statement of Purpose, Ingiriisi keliya): maxaa kugu dhiirrigeliyay in aad codsato barnaamijka
- Afar sawir oo baasaboor ah (Afar Sawir oo Teeysaro ah)
- Feyl (gal lagu soo gurayo dukumentiyadaas oo dhan)
- CV
Waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga: 27 Abriil 2024.
Codsigaaga waxaad u gudbin kartaa Xafiiska Diiwaangelinta ee Kulliyadda Daraasaadka Sare iyo Cilmi-baarista ee ku yaal Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kambaska Shabelle - Muqdisho
Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan ha ka waaban in aad nala soo xiriirto: gsr@snu.edu.so



