Muqdisho, 18 Sebtembar 2025 – Waxaa xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee KM4 lagu qabtay munaasabadda xilwareejinta Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, oo ah Raktarka cusub, iyo Prof. Xasan Cusmaan Gacal, oo horey u hayay xilka.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay kamid ahaayeen, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ahna Kusimaha wasiirka, Marwo Nura Mustaf Gudow, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Mudane Daahir Shire, Sidoo kale waxaa goob joog ahaa xildhibaano, aqoonyahanno, agaasimayaal, hormuudyo, shaqaalaha Jaamacadda iyo marti sharaf kale.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa lagu soo bandhigay muuqaal ka turjumayay waxqabadka Jaamacadda muddadii uu xilka hayay Raktarkii hore, iyadoo sidoo kale lagu xusay taariikhda qotada dheer ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo door muuqda ku leh dhismaha aqoonta dalka.
Raktarka cusub ee Jaamacadda Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in Jaamacadda Ummadda aysan ku koobnaan doonin oo keliya soo saarista aqoonyahanno, balse ay si firfircoon uga qeyb qaadan doonto xalinta dhibaatooyinka heer qaran iyo la falgalka bulshada.
Munaasabadda ayaa sidoo kale waxa laga jeediyay kalmado dhiirrigelin iyo bogaadin ah oo ay soo jeediyeen, Wasiiro, hormuudyo iyo xubno ka socday Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed.
Mogadishu, 18 September 2025 – A handover ceremony for the office of Rector of Somali National University (SNU) was held at the University’s KM4 Campus between Dr. Mohamed Mohamud Mohamed (Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed), the new Rector, and Prof. Hassan Osman Gacal (Prof. Xasan Cusmaan Gacal), who previously held the office.
The ceremony was attended by senior officials of the Federal Government of Somalia, including the Minister of State for Education, Culture and Higher Education and Acting Minister, Ms Nura Mustaf Gudow; the Minister of Endowments and Religious Affairs, Sheikh Mukhtar Robow Ali (Sheekh Mukhtaar Roobow Cali); and the Minister of Petroleum and Mineral Resources, Hon. Dahir Shire (Daahir Shire). Members of parliament, academics, directors, deans, University staff and other distinguished guests were also present.
During the ceremony, a video was shown reflecting the University’s achievements during the outgoing Rector’s term of office, and the long history of Somali National University, which has played a prominent role in building the country’s knowledge base, was also recalled.
In his speech, the new Rector of the University, Dr. Mohamed Mohamud Mohamed, stressed that Somali National University will not limit itself to producing graduates, but will play an active part in solving national problems and engaging with society.
Words of encouragement and congratulation were also delivered at the ceremony by ministers, deans and members of the Union of Somali Universities.