Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Hassan Osman Ga`al oo uu wehliyo H.E. Shirwac Cabdullaahi Ibraahim, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xasan, Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ee Soomaaliya, ayaa kula kulmay xafiiska, Dr. Hathal Homoud Alotaibi, Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, Islamabad (IIUI).
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo quseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin kor u qaadista waxbarashada iyo sare u qaadida xiriirka waxbarasho ee ka dhaxeeya hay’adaha tacliinta sare ee labada dal.
Booqashada Raktarka ee Jaamacadda IIUI ayaa qayb ka ahayd xiriirada iyo kulamada gaargaarka ah Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Ga`al uu la yeeshay hay'adaha waxbarashada, ka dib ka qaybgalkiisa shir sannadeedka COMSTECH (Consortium of Excellence) ee lagu qabtay Pakistan.

The Rector of the Somali National University, Prof. Dr. Hassan Osman Ga’al (Prof. Dr. Xasan Cusmaan Gacal), accompanied by H.E. Shirwa Abdullahi Ibrahim (Shirwac Cabdullaahi Ibraahim), Ambassador of the Federal Republic of Somalia, and Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xasan), President of Banadir University of Somalia, met Dr. Hathal Homoud Alotaibi, President of the International Islamic University, Islamabad (IIUI), at his office.
During the meeting, they discussed matters of interest to both countries, including the advancement of education and the strengthening of educational ties between higher education institutions in the two countries.
The Rector’s visit to IIUI was part of the contacts and side meetings that the Rector of the Somali National University, Prof. Dr. Ga’al, held with educational institutions following his participation in the annual conference of COMSTECH (Consortium of Excellence) held in Pakistan.
