Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka qayb qaadatay aqoon-is-weydaarsiga xiritaanka ee SHARE-AFRICA (Science Hub for Advanced Research and Education with Africa), oo ah mashruuc iskaashi oo dhex mara jaamacado Talyaani iyo Afrikaan ah, kuna xoojinaya waxbarashada sare, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo iskaashiga tacliineed.
Aqoon-is-weydaarsiga waxaa martigelisay University of Padua, waxaana isku duwayay IHEA Foundation, waxaana maalgelisay Wasaaradda Jaamacadaha iyo Cilmi-baarista ee Talyaaniga. Waxaa lagu dib-u-eegay guulaha mashruuca, waxaana la qorsheeyay hindiseyaal wadaag ah oo mustaqbalka ah.
JUS waxaa matalay Mudane Gallad Dahir Hassan, Madaxa Mashaariicda iyo Horumarinta Kaabayaasha.




