JUS waxay soo dhoweysay wafdi ka socday Jamhuuriyadda Suudaan oo uu hoggaaminayay Prof. Dr. Tariq Mohamed Nour, maamulaha guud ee xiriirka dibadda ee wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Sayniska.
Prof. Tariq wuxuu u yimid in uu si toos ah isha ugu arko xaaladda waxbarashada sare ee Soomaaliya, wuxuuna kormeeray kambasyo kala duwan oo JUS ah, oo ay ka mid yihiin Gaheyr, KM4 iyo Shabelle. Intii uu booqashada ku jiray, Prof. Tariq wuxuu la hadlay macallimiinta, wuxuuna ku faraxsanaa in uu la kulmo macallimiin badan oo aqoontooda ka soo qaatay Suudaan.
Dhankiisa, Madaxa JUS, Prof. Mohamed Ahmed Jimale, wuxuu u mahadceliyay dowladda Suudaan dadaalkeeda deeqsinimada leh ee ay arday Soomaaliyeed oo badan ugu fursad siisay in ay wax ku bartaan dalkeeda, taas oo hadda si cad uga muuqata nidaamka waxbarashada Soomaaliya. JUS keligeed waxay leedahay in ka badan toban macallin oo ka qalin-jabiyay Suudaan.




