Mashruuca CURIOUS ayaa si rasmi ah loogu daah-furay 26 Janaayo 2026 kambaska KM4 ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo bilaabaya iskaashi tacliineed oo istiraatiiji ah oo dhex mara Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, East Africa University (EAU), Karolinska Institutet (KI) iyo Maastricht University (UM), oo ah la-hawlgalaha hoggaaminaya.
Munaasabadda, oo lagu qabtay hab isku-dhaf ah (goob joog iyo online), waxaa isugu yimid hoggaamiyeyaal tacliineed, cilmi-baarayaal iyo daneeyayaal ka kala socday Soomaaliya iyo Yurub. Mashruucu wuxuu hadaf u leeyahay xoojinta awoodda waxbarashada sare iyo cilmi-baarista ee Soomaaliya, iyo in uu gacan ka geysto helitaanka shaqaale caafimaad oo karti leh oo adkeysi leh, iyadoo loo marayo horumarinta manhajka, iskaashiga cilmi-baarista iyo kor u qaadista awoodda hay'adaha.
Madaxa Jaamacadda, Dr. Mohamed Mohamud Mohamed, ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda, wuxuuna soo dhoweeyay iskaashiga afarta hay'adood, isagoo shaqaalaha ku dhiirrigeliyay in ay ku daydaan tusaalaha kooxdii dhistay isbahaysiga (consortium).
Natiijooyinka ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa xoojinta iskaashiga hay'adaha Soomaaliyeed iyo kuwa Yurub, kordhinta wacyiga ku aaddan ujeeddooyinka mashruuca, iyo is-waafaqsanaan cad oo ku saabsan hadafyada kor u qaadista awoodda hay'adaha.



