Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Barfasoor Xasan Cismaan Gacal ayaa soo gabagabeeyey booqasho muhiim ah oo uu ku tagay dalka Finland, taas oo qayb ka ah xoojinta sare u qaadista iskaashiga dhanka waxbarashada ee labada dal.
Prof. Gacal oo ay wehliyaan hormuudka kulliyadda culuumta bulshada Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow iyo Dr. Mulki Cilmi Rooble iyo xubno kale oo ka socday wasaaradda Caafimaadka ayaa wada hadalo wax ku ool ah la yeeshay mas’uuliyiinta dalka Finland sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Golaha Waxbarashada Qaranka Finland, xafiiska IOM, Isbitaalada Jaamacadaha Helsinki iyo Metropolia. Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka finland.
Kullamada Raktarka iyo wafdiga la socday ayaa ku qotomay sidii ay Finland u taageeri lahayd waxbarashada iyo Caafimaadka Soomaaliya, iyada oo la isla gartay qodobo ay ka mid yihiin taageerida tababarrada iyo in la balaariyo iskaashiga Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadaha dalka Finland.



The Rector of the Somali National University, Professor Hassan Osman Ga’al (Prof. Xasan Cismaan Gacal), has concluded an important visit to Finland, part of efforts to strengthen and enhance educational cooperation between the two countries.
Prof. Ga’al, accompanied by the head of the Faculty of Social Sciences, Prof. Abdulkadir Mohamed Dhicisow (Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow), Dr. Mulki Elmi Roble (Dr. Mulki Cilmi Rooble) and other members from the Ministry of Health, held productive talks with Finnish officials and institutions, including the Ministry for Foreign Affairs, the Finnish National Agency for Education, the IOM office, and the Helsinki University Hospital and Metropolia. The delegation also held meetings with the Somali community in Finland.
The meetings of the Rector and his accompanying delegation focused on how Finland could support education and health in Somalia, and agreement was reached on points including support for training and the expansion of cooperation between the National University and universities in Finland.


