Ciyaartii finaalka 2018
JUS waxay soo gabagabeysay tartankeeda sannadlaha ah ee kubadda cagta ee kulliyadaha. Sannadkan tirada kulliyadaha ayaa ka kordhay 7 una kordhay 9 kulliyadood. Ciyaartii finaalka waxaa ka qayb galay wasiirka waxbarashada, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha, Xildhibaan Khadija M. Diiriye, iyo Madaxa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Mohamed Ahmed Jimale.
Tartanku wuxuu sii caan ku noqonayaa ardayda, kulliyaduhuna waxay noqonayaan kuwo sii tartan badan. Tartanka sannadkan waxaa loogu magac daray SHARIIF SALAAX (madaxii ugu horreeyay ee JUS).



