Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maalintii Talaadada dib ugu wareejiyay Dowladda Federaalka jaamacad uu u isticmaalayay saldhig militari tobankii sano ee la soo dhaafay.
Ciidamadu waxay qabsadeen Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sannadkii 2007, markii hore iyagoo u adeegsanayay Saldhig Hawlgal, kaddibna ka dhigtay Xarunta Guutada (Battalion Headquarters).
Wakiilka dowladda Soomaaliya ee munaasabadda, oo ka dhacday caasimadda Muqdisho, wuxuu ahaa Wasiirka Waxbarashada, Abdirahman Dahir Osman. Wuxuu machadka ku tilmaamay astaan u ah dib-u-dhalashada Soomaaliya.
“Annagoo ah Dowlad, waxaan mudnaanta siinaynaa horumarka dhaqaalaha, iyo waxa ugu muhiimsan oo ah waxbarashada, maxaa yeelay waxaan aaminsanahay in waxbarashadu tahay barroosinka horumarka waara,” ayuu yiri.
Madaxa AMISOM, Safiir Francisco Caetano Madeira, ayaa xaqiijiyay in xaruntu bilaabi doonto qaadashada ardayda marka dowladdu bixiso oggolaanshaha.
Waxaan ku faraxsannahay in maanta, machadkani diyaar yahay oo uu bilaabi doono qaadashada ardayda marka dowladdu bixiso oggolaanshaha,” ayuu yiri Safiir Madeira.
Jaamacadda waxaa la dhisay 1954, balse waxaa si xun u saameeyay dagaalkii sokeeye ee 1991, taas oo keentay joojinta casharrada iyo xiritaanka. Si kastaba ha ahaatee, bishii Ogosto 2014, jaamacaddu waxay dib u furtay kulliyadaheeda si ay u bixiso tababar takhasus ah.




